Haa, ku biirista qolka jimicsiga ama gymka kolba sida aad u taqaano waxay noqon kartaa hab fiican oo qofka caatada ah uu u kordhin karo miisaankiisa uuna dhisi karo cufnaanta muruqa. Si kastaba ha ahaate, waa muhiim in tan loo wajaho si badbaado leh oo caafimaad qabta.
Jimicsigu wuxuu dadka ka caawin karaa inay iska ridaan miisaankooda, sidoo kalena wuxuu ka caawin karaa inay si caafimaad leh miisaanka isugu daraan. Waxaana laga yaabaa inaad rabto inaad miisanka kordhiso si aad u dhisto murqo ama hadii aad caato tahay oo aad rabtid inaad is cayiliso. Sida awgeed waxaad ubaahantahay inaad isbadel sameyso taas oo ay kamid yihiin inaad cunto cuntooyinka kalooriska badan iyo jimicsiga joogtada ah waxayna kaa cawinaysaa inay kuu kordhiso cufnaanta muruqa caatada ah ee jidhka.
WAX YAABAHA LACUNO SI LOO KORDHIYO JIRDHISKA AMA IS CAYILINTA?
Miisanka oo kordha ma aha wax adag in lagaro, maha in lacuno cuno badana ama cuno xad kabax ah. laakin ka digtoonow waxa aad cunayso si aad u hesho miisaan cafimaad leh. cunto ka kooban dufan caafimaad qaba (health fats), borotiino iyo karbohydratyo isku dhafan waxay caawisaa dhisidda murqaha waxayna dufaankasi u noqoneysa muruqa ama jidhka guudba energy.
JIMICSIDAYA LA SAMEYO SI LOO KORDHIYO XOOGA, DULQAADKA IYO CUFNAANTA MURUQA?
Si joogto ah u samee jimicsi, mid ka mida ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee lagu dhiso muruqa. Lakiin korodhka miisaanku waa inuu ka mid yahey qorshaha guud. Jimicsiyada qaarkood waxay rabaan inay kordhiyan jirdhiska iyo sidoo kale inay dhisaan cufnaanta murqaha ee dadka caatada ah.
Jidhka ragga iyo ka dumark wuxu kaydiyaa baruurta wuxuna u qaybiyaa murqaha si kale duwan. Sidaa darteed waxaa jiri doona jimicsiyo kala duwan si ay u caawiyaan jirdhiska si ku habbon ruux walba iyo ujeedadiisa.
Comments
Post a Comment