Majirto xusid ah "wakhtiga ku haboon" ama wakhti ah " ugu fiican" amaba xitaa wakhti ah "mamnuuc" kaasi oo loogu talagalay tukashada salaada istikhaarada. culimada amaba aqoonyahanada diintu waxay si macquul ah uso gabogabeeyen in istikhaarada la bixin karo ama latukan karo wakhti kasta iyo meel kasta.
Si kastaba ha ahaate, iyada oo la eegayo xadiisyada kale duwan kuwaasi oo laxidhiidha amaba kuso arooray salaada iyo ducada/ducaysashada, waxanu go'amin karnaa inay jiraan wakhtiyo mamnuuca ka ha amaba ka xaniban ina latukado salaada istikharada. Iyada oo taa laga duulayo waxanu kuso gabagabeyn karnaa inaan latukan karin amabase ay mamnuuctahay in latakudo salaada istikharada saddexden wakhti ee hoos ku xusan:
1. Cadceed soo baxa, lama ogola salaad tukashada wakhtiyada ku beegan cadceed soobaxa.
2. Cadceed dhaca, isla sida ta hore iyana lama ogala tukashada salaada xiliga cadceed dhaca.
3. Cadceeda markey badh tamaha cirka ay ku beegantahay amaba wakhtiga duhurka, waa xiliga cadceeda meesha ugu sareysa ay gaadho, sidaas awgeed waxa lamamnuucay tukashada salaada wakhtigaas.
Si daasi si lamida, waxaan sidoo kale u qaadan karanaa wakhtiyada ku haboon ama "lagu talinayo" in latukado salaada istikhaarada sida tan hoos ku xusan:
1. Saddexda danbe ee habeenka amaba habeen badhka, inta lagu guda jiro wakhtigani waxa loo arkaa wakhti, kaasi oo awooda ruuxanigu ay aad u sareyso tukashadeeda iyo ducaysigeeduba. Waxaana la aaminsanyahay in xiligaasi ay tahay wakhtiga naxariista Allah (swt) ay aad ufidudahay amaba suurto gal aytahy in lahelo.
2.Aadaan(yeedhida salaada) iyo Iqaamada(Aasaasida salaada) inta udhaxeysa dhaxdeeda, Culimada qaadkood waxay soo jeedinayaan in mudada u dhaxeysa salaad u yeedhista iyo bilawga salaada ay tahay wakhti wanaagsan oo la dukan salaada istikhaarada karo, maadamo aytahay wakhtiyada ducada la aqbalo.
3. Habeenka laylatul qadriga, habeenka sanadka dhan ugu barakeysan kana barakeysan amaba ka kheyr badan kun bilood sida uu noosheegay rasuulkeenu (scw).
https://deencontent101.blogspot.com/2024/03/what-is-laylatul-qadar.html
4. Munaasabadaha gaarka ah, Muslimiinta qaarkood waxay Jecleystaan ina ay tukadaan salaada istikhaarada munaasabado gaar ah, sida wakhtiyada xajka markey usoo xajiyaan dhanka iyo makka.
Waa muhiimad aad u weyn raadinta wakhtiga ugu fiican ee istikharada la tukan karo, iyada oo ay saas tahay waxaa iyadana muhiim ah in aadan iloobin waxi uu noosheegaya isla mar ahaantaasna nabaray rasuulkeena suuban (scw), Taasi oo ah ina aadan dayicin fursad kasta oo kuu timaada oo aad ku tukan kartid salaada istikhaarada. Ha dib dhigin tukashada salaada istikhaarada adiga oo raadinaya whakhtiga "ugu haboon" ee la tukan karo salaada istikhaarada. waxaa laga yaaba inaad ku celin karto tukashada salaada istikhaarada amaba marka aad awood uyeelato munaasabadaha gaarka ah. Majirto tiro cayiman amaba sababo diidaya inaad ku cel celiso tukashada salaada istikhaarada, waxaanad awood uleedahay ina aad tukato salaada istikharada inta aad kuqanceyso midhaha kaso baxay ducadada ama arinka aad salaada istikhaarada aad utukaneysay.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete