Skip to main content

SIDEE LOO TUKADAA SALAADA ISTIKHARADA?

 Salada istikharada waa hadiyad dhanka Allah (swt) katimid, uu ugu talagalay qofka muslimka ah. 

Qofka muslimka ahi marka uu kuwareero sida uu uxalin lahaa arin, ama arin uu arin kale uga dooran lahaa amaba arinka uu doortay inuu kusaxsanyahay, waxa uu Allah (swt) weydiisan karaa cawimaad/hagis isaga oo tukanaya salaada istikhaarada. waa awood Allah (swt) uu siiyey adoomihiisa si ay uraadsadaan hanuunkiisa, cawimaadiisa iyo xigmada kujirta waxkaste oo nolosha kamida, ha ahaato wax weyn sida arinka guurka, shaqada amaba hayaraato sida inaad labashey ood iibsaneyso oo aad rabto inaad kale doorato.    


WAA MAXAY SALAADA ISTIKHAARADA?

Erayga istikhaara ee salaada istikhara waxa loola jeeda "in laweydiisto wanaag". Sidaas darteed micnaheedo waxa weyaan inaad si fiican aad wax udalbato ama si wanaagsen aad u weydiisato Allah (swt). Sida laga soo xigtay fiqiga islaamiga istikhaara waxa loola jeeda in laweydiisto allah (swt) xigmad aan dhamaad laheyn taasi oo ku saabsan arinka aad lawareersantahay ama labada arin ee aad kale doran kari laadahey, rajada oo ah inu allah (swt) kuu jiheeyo arinka koo wanaagsen ama kheyrka kuu leh.



DUCADA ISTIKHARADA?

Erayada carabiga iyo turjumaada ducada. ducada salaada kadib la akhrisanayo ee xadiithka kutimid taasi oo lagaso wareyay Jabir (Allaha ka raali ahaade) wa sida tan hoos ku xusan:

اللَّهُمَّ إنِّي أَسْتَخِيرُكَ بِعِلْمِكَ، وَأَسْتَقْدِرُكَ بِقُدْرَتِكَ، وَأَسْأَلُكَ مِنْ فَضْلِكَ الْعَظِيمِ فَإِنَّكَ تَقْدِرُ وَلا أَقْدِرُ، وَتَعْلَمُ وَلا أَعْلَمُ، وَأَنْتَ عَلامُ الْغُيُوبِ..
اللَّهُمَّ إنْ كُنْتَ تَعْلَمُ أَنَّ هَذَا الأَمْرَ (هنا تسمي حاجتك) خَيْرٌ لِي فِي دِينِي وَمَعَاشِي وَعَاقِبَةِ أَمْرِي فَاقْدُرْهُ لِي وَيَسِّرْهُ لِي ثُمَّ بَارِكْ لِي فِيهِ..
اللَّهُمَّ وَإِنْ كُنْتَ تَعْلَمُ أَنَّ هَذَا الأَمْرَ (هنا تسمي حاجتك) شَرٌّ لِي فِي دِينِي وَمَعَاشِي وَعَاقِبَةِ أَمْرِي فَاصْرِفْهُ عَنِّي وَاصْرِفْنِي عَنْهُ وَاقْدُرْ لِي الْخَيْرَ حَيْثُ كَانَ ثُمَّ ارْضِنِي بِهِ. (وَيُسَمِّي حَاجَتَهُ) وَفِي رواية ثُمَّ رَضِّنِي بِهِ

"Allahayow waxaan ku weydiisenayaa, adoo ku cilmi leh iyo inaan kugu mahadiyo awoodada, waxaanan kuweydiisanayaa fadligaaga, adaa wax kara oo awood leh anina wax ma kari, adigaana wax og aniguna waxba ma ogi adigaana wax walba oo maqan og. Allahayow hadaad ogtahey inuu arinkani (arinku waxa uu yahey baad sheegi), mid kheyr u leh yahehy diinteyda, macaashkeygay iyo natiijadeyda danbe, Allahayow ii qadar, iina fudaydi kadibna ii barakee. Allahayow hadii aad ogtahey in aritani (Arinku waxa uu yahey baad sheegi), mid shar u ah yahey diinteyda, macaashkeyga iyonatiijadeyda danbe, Allahayow arinkaa aniga iga leexi, anigna arinkaa igaleexi, kheyrna ii qadar meelkasto uu kujiro, iguna qanci ama qanaacadeeda isii (arinka ayaad sheegi)".



TALAABOOYINKA LAQAADO MARKA LA TUKANAYO SALAADA ISTIKHAARADA?



-Niyada. inaad niyooto inaad salaada istikharada aad tukaneyso.

-Weyso qaadasho, inaad soo weyso qaadato isna soo dahiriso.

-Tukashada laba rakcadood, waxaana la doorbida rakcada koobad inaad ku tukato al-faataxada kadibna suurada al-kafiruun, rakcada labaadna al-faataxa iyo suurada al-ikhlaas. 

-Inaad kabaxdo rakcada labaad kadib.

-Kadib marka aad kabaxdo waxad bilaabeysa inaad gacmahaga kor uqaado ood ducada bilawdo, ado kabilaabaya inaad allah (swt) sifooyinkiisa iyo magacyadiisa kuweyneyso.

-Kadib marka aad xusto Alle (swt) waxaad kusalida rasuulka (scw), adoo ugu salinaya sida tashahudka marka lagu jiro loogu saliyo oo ah sida tan:

اللّهُمَّ صَلّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحمَّدٍ كمَا صَلَّيْتَ عَلَى إبراهيم وَعَلَى آلِ إبْرَاهيمَ وَبَارِكْ عَلَى مُحمَّدٍ وعَلَى آلِ مُحمَّدٍ كمَا بَارَكْتَ عَلَى إبْرَاهيمَ وَعَلَى آلِ إبْرَاهيمَ في العالمينَ إنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ

-kadibna waxaad akhrineysaa ducada istikhaarada taasi oo kor ku xusan.

-kadib waxaad mar labaad kusalineysa rasuulka (scw) adoo ugu salinaya sida kor kuxusan.

-intaa markaad semeyso kabacdi istikharadii wad dhameysey, hada arinka gacanta Alle ayuu kujira oo Allah baad talo buuxda saraneysa inu arinka sida ugu kheyrka baden kugu dhamaandoono adoo bilaa walwal iyo qoomamo toona aan laheyn. 



Comments

Popular posts from this blog

MIYAAN MIISANKAYGA KORDHIN KARAA ANOO ISTICMAALAYA JIMICSIGA/GYMKA?

Haa, ku biirista qolka jimicsiga ama gymka kolba sida aad u taqaano waxay noqon kartaa hab fiican oo qofka caatada ah uu u kordhin karo miisaankiisa uuna dhisi karo cufnaanta muruqa. Si kastaba ha ahaate, waa muhiim in tan loo wajaho si badbaado leh oo caafimaad qabta. Jimicsigu wuxuu dadka ka caawin karaa inay iska ridaan miisaankooda, sidoo kalena wuxuu ka caawin karaa inay si caafimaad leh miisaanka isugu daraan. Waxaana laga yaabaa inaad rabto inaad miisanka kordhiso si aad u dhisto murqo ama hadii aad caato tahay oo aad rabtid inaad is cayiliso. Sida awgeed waxaad ubaahantahay inaad isbadel sameyso taas oo ay kamid yihiin inaad cunto cuntooyinka kalooriska badan iyo jimicsiga joogtada ah waxayna kaa cawinaysaa inay kuu kordhiso cufnaanta muruqa caatada ah ee jidhka.  WAX YAABAHA LACUNO SI LOO KORDHIYO JIRDHISKA AMA IS CAYILINTA? Miisanka oo kordha ma aha wax adag in lagaro, maha in lacuno cuno badana ama cuno xad kabax ah. laakin ka digtoonow waxa aad cunayso si aad u hesho mi...

WAKHTIYADA UGU FIICAN EE LATUKAN KARO SALAADA ISTIKHAARADA?

  Majirto xusid ah "wakhtiga ku haboon" ama wakhti ah " ugu fiican" amaba xitaa wakhti ah "mamnuuc" kaasi oo loogu talagalay tukashada salaada istikhaarada. culimada amaba aqoonyahanada diintu waxay si macquul ah uso gabogabeeyen in istikhaarada la bixin karo ama latukan karo wakhti kasta iyo meel kasta. Si kastaba ha ahaate, iyada oo la eegayo xadiisyada kale duwan kuwaasi oo laxidhiidha  amaba kuso arooray salaada iyo ducada/ducaysashada, waxanu go'amin karnaa inay jiraan wakhtiyo mamnuuca ka ha amaba ka xaniban ina latukado salaada istikharada. Iyada oo taa laga duulayo waxanu kuso gabagabeyn karnaa inaan latukan karin amabase ay mamnuuctahay in latakudo salaada istikharada saddexden wakhti ee hoos ku xusan: 1. Cadceed soo baxa, lama ogola salaad tukashada wakhtiyada ku beegan cadceed soobaxa.  2. Cadceed dhaca, isla sida ta hore iyana lama ogala tukashada salaada xiliga cadceed dhaca. 3. Cadceeda markey badh tamaha cirka ay ku beegantahay amaba wak...